U bood dhigaalka

Wafti Dowladda oo u Duuley Kenya Arrimo La Xiriira Maamulka Hawada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada soomaaliya Maxamed Isaaq Fanax ayaa maanta (Talaado) u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka kenya si ay uga qeyb galaan shir caalami ah oo looga hadlayo Maamulista hawada Soomaaliya,

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in shirkaasi ay ku Casuuntay hey’adda Duulista hawada ee Q.M ee duulista hawada sare ee ICAO isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay doorkooda ka cayaaraan shirka isla markaasina ay Magaalada Muqdisho Noqoto Halka laga Maamulayo Hawada Soomaaliya,

Wasiirka ayaa si kooban u sharaxaya Muhiimada safarka ay ugu Ambabaxayaan Dalka Kenya

“Waxaa ka mid ah waxyaabaha looga hadlayo sidii hawada Soomaaliya ee meelaha kale laga maamulayo loogu soo wareejin lahaa Soomaaliya, sidii magaaladan Muqdisho loogu soo wareejin lahaa hagista diyaaradaha, waxaa ka mid ah garoomada Soomaaliya sidii loo hormarin lahaa” ayuu yiri.

Ikasta oo horey loo saxiixay in maamulka hawada lagu soo wareejiyo Soomaaliya, hadana ficil ahaan wali looma qabanin hawshaasi, sababo la xiriira arrimo farsamo oo ay ka midtahay qalabkii iyo xirfadlayaashii loo baahnaa oo aysan wali Soomaaliya heysanin.

Goobjoog News