U bood dhigaalka

Wafti Ka Socda Midoowga Afrika oo Kulamo Muqdisho Kula Yeeshey Wasiiro iyo Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Bineta DiopWafti heersare oo ka socdey midoowga Afrika oo ka koobnaa dublamaasiin heerar kala duwan ah oo maanta dalka gaaray ayaa kulan la yeeshey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiiro ka mid ah xukuumadda.

Kulanka dhexmaray waftiga iyo wasiirada ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay wasiirada caafimaadka, gaashaandhiga, arrimaha dibada iyo arimaha gudaha.

Waxaa waftiga hogaamineysay haweeneey lagu magacaabo Bineta Diop taasi oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha midoowga Afrika u qaabilsan haweenka, nabada iyo amniga, waxaa kale oo qeyb ka ahaa safiirka Namibia u fadhiya Midoowga Afrika.

Waftigan ka socda golaha nabada iyo amniga Afrika oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in ay dalka u yimaadeen in ay indho indheeyaan hawlgalka nabad illaalinta Afrika ee AMISOM, islamarkaasina dowladda Soomaaliya wadatashi kala sameeyaan sidii loo dhisi lahaa ciidamo xoogan oo ay Soomaaliya yeelato.

Waftigan oo kulamadooda sii socon doonaan ayaa marka uu socdaalkooda dhamaado war siin doona saxaafadda, iyaga oo Addis Ababa kula laaban doona talooyin iyo soojeedino kala duwan.

Dhageysa

Goobjoog News