U bood dhigaalka

Wafti Ka Socda Qaramada Midoobey oo Gaarey Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

philippe lazzariniWafti uu hogaaminayo isu duwaha gargaarka Qaramada Midoobey Filib Laasarani (Philippe Lazzarini) ayaa maanta gaaray Baladweyne, waxayna kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka halkaasi iyo waliba saraakiisha AMISOM, waxaana laga wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka siyaabaha kale duwan ugu barokacay gobolkaasi.

Laasarani oo hadlay kulanka kadib ayaa warbaahinta u sheegey in laga wada hadlay sidii meel loo maro loo heli lahaa magaalooyinka Buulo Burde iyo Maxaas halkaasi oo dad gargaar u baahan ku suganyihiin.

Waxa kale oo uu sheegey in dadka Hiiraan ku nool ay barokiciyeen daadad, colaado iyo waliba abaar, sidaasi darteedna loo baahanyahay in gargaarka la labo jibaaro.

 

Dhageyso

Goobjoog News