U bood dhigaalka

Wafti Odayaal Puntland oo Waanwaan La Bilaabay Jeneraalka Gadoodsan

Sheeko:Dalka

Wafti odayaal dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa gaaray tuulada Qarxis halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa gadoodey oo uu hoggaaminayo Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse.

Waftigan odayaasha oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin culumaa aw diin iyo siyaasiyiin ayuu ujeedkeedu yahay in ay ka hortagaan in uu dagaal ka dhoco meesha, islamarkaasina qaboojiyaan xaaladda cakiran ee labada dhinac u dhaxeysa.

Waxa ay odayaasha la kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan, iyaga oo kala hadlay in marka hore fursad la siiyo wadahadalada.

Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ka goostey maamulka Puntland, kana soo horjeedsaday kadib markii madaxweynaha Puntland uu xilkii ka qaaday jeneraalka oo ahaa taliye ku xigeenka booliiska Puntland.

Jeneraalka oo shalay hadlay waxa uu sheegey in sababta gadoodka aysan ahayn xil ka qaadista, balse tahay iyaga oo xuquuqdoodii iyo mushaaraadkooda ka waayay maamulka muddo 15 bilood ah, taasina tahay waxa ay doonayaan in ay helaan.

Maamulka Puntland ayaa isagu sheegey in aanan loo dulqaadan doonin cid carqaladeysa amniga, balse sidaasi oo ay tahay fursad la siinayo waanwaan in lagu dhameeyo arrinta jeneraalka gadooday.

Goobjoog News