U bood dhigaalka

Wafuud Kusii Qulquleysa Magaalada Baydhabo Si ay Oga Qeybgalaan Caleemo-Saarka Shariif Xassan

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Baydhabo kusii qulqulaya wafuud ka kala tagay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, waxaana hadda saacado gudahood ku wajahan oo la sugayaa wafti wasiiro ah oo ka tagay maamulka Puntland.

Waxaa kale oo ay wufuud ka tagayaan Muqdisho iyo Kismaayo iyo gobolo kale oo dalka ka mid ah.

Amniga Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamada la arkayo iyaga oo samaynaya dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Shariif Xassan oo shalay Baydhabo ku laabtay ayaa dad soo dhaweynayay ka codsaday in ay u diyaargaroobaan caleemo saarka iyo soo dhaweynta waftiyada tagay Baydhabo.

Goobjoog News