U bood dhigaalka

Wasiir Omaar Oo Iska Diiday Xil Uu U Magacaabay M. Farmaajo

Sheeko:Dalka
wasiirkii hore ee wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cabdullahi Omaar ayaa ka cudur daartay xil uu u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wasiirka ayaa laga qaaday xilka wasaradda gaadiidka cirka iyo  dhulka isaga oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
wasiirka ayaa boggiisa Facebook ku qoray warka sidaan ayuuna u qornaa.
“Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayd April 11 2021 la ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda. Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn. Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed. Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay. NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N)”. Wabillahi tawfiiq