U bood dhigaalka

Wajiga Labaad Ee Dib U Eegista Dastuurka Oo Muqdisho ka Furmay

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa Muqdisho ka daah furay wajiga labaad ee ee dib u eegista dastuurka KMG ah.

Kulanka waxaa ka soo qeyb-galay xubnaha uu ka koo banyahay guddiga madaxa banaan waxaana inta uu kulanka socday la is weydaarsaday Afkaar la xiriirta sidii loo dhameystiri lahaa dib u eegista Dastuurka iyo in dalka laga saaro dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay kulanka iyo waxyaabaha diiradda lagu saari doono.

“Guddigan waa midka ay mas’uuliyaddiisu ay tahay Dastuurka iyo diyaarintiisa marxaladdan waxaa lagu eegi doonaa dib u eegista dastuurka saxitaankiisa iyo soo jeedinta wixii la rabo in laga badalo”.

Bilihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho iyo gobollada lagu qabanayay kulamo qabyada looga saarayo dastuurka si uu dalka u yeesho dastuur dhameystiran.

Goobjoog News