U bood dhigaalka

Wakiilada Caalamka Oo Rooble Ku Taageray Qorshahiisa Doorashada

Sheeko:Amniga
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka ayaa lagu Rooble uu wakiilada ugu gudbiyay sida ay xukuumadiisa u waddo hanaanka doorashada.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Shirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu wakiilada caalamka u xaqiijiyay in shirka uu isugu yeeray golaha wadatashiga lagu dardargelinayo doorashada laguna saxayo khaladaadka jira.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Shirka ayaa sidoo kale la sheegay in intii uu socday ay waakilada caalamka ay soo dhaweeyen qorsha dardargelinta doorashada.
“Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo” ayuu yiri Rooble
Saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kulamada uu midawga musharixiinta la qaadanayo ra’iisulwasaaraha.
“Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Rooble .
Goobjoog News