U bood dhigaalka

Wakiilka Doorashada Lataliyaha Farmaajo Oo Kismaayo Laga Tarxiilay

Sheeko:Amniga

Cabdi Cali Raage oo ka mid ah musharixiinta golaha shacabka ee sanadkaan ayaa sheegay in xalay magaalada Kismaayo lagu xiray wakiilkiisi arrimaha doorashada.

Raage oo ka mid ah lataliyayaasha Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay wakiilkiisa kala baxeen gurigii uu dagana, waaxa uuna sidoo kale sheegay in goordhaw laga soo musaafuriyay Kismaajo.

Qoraallo is daba xiga oo uu soo dhigay Raage ayuu ku sheegay in xalay fiidkii wakiilkiisa xabsiga ay dhigeen ciidamada Jubbaland.

“Xalay abaaro 8:00-pm ayaa la igu wargaliyey in xabsiga la dhigay Abdirahman Ahmed Sh Omar oo ah wakiilkayga ololaha doorashadayda ee Magaalada Kismayo. Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayo ilo xogogaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa muujinaya in Abdirahman loo xiray sababo la xiriira ololaha doorashadayda ee uu ka wado Kismaayo waxaana la ii xaqiijiyey in shaqsiyaad maamulka ka ag-dhow oo aan isku hayno kursiga Xildhibaanimo ay ku lug leeyihiin xiritaankiisa waana nasiib daro” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.
Raage ayaa kale sheegay in la keenay garoonka diyaaradaha Kismaayo halkaas oo laga soo masaafuriyay wakiilkiisa isagoo nasiib darro ku tilmaamay xarigiisa.
“War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho, kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Goobjoog News