U bood dhigaalka

Waqooyiga Kuuriya Oo Qasab Ugu Biirtay Naadiga Nuclear-ka

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay tijaabada Nuclear-ka isaga oo sheegay in ay ka jawaabi doonaan haddii ay khatar dareemaan iyaga ama xulafadooda.

“Handadaad kasta oo loo geysto Mareykanka iyo xulafadiisa waxaan uga jawaabi doonnaa tillaabo military oo deg-deg ah” sidaasi waxaa sheegay Mattis oo ah madaxa Pentagon-ka.

Arrintan ayaa timid kadib markii waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay markii 6aad Nuclear-kii ugu halisanaa abid.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sidaasi ugu biirtay, weliba si qasab ah naadiga Nuclear-ka.

Naadiga Nuceirka:

Waxaa jiro ilaa 5-dowladood oo ay si rasmi ah u aqoonsan tahay Heshiiska Reebaya Fiditaanka Hubka Nuceirka sida: Mareykanka,  Ruushka,  France, Ingiriiska, Shiinaha iyo Afar dowladood oo hubka si aan rasmi ahyn u haysata sida: Isra’il, Hindiya, Bakistaan iyo  Waqooyiga Kuriya…waxaa la Filayaa inay liiskan kusoo biirto Iiraan.

Goobjoog News