Waqooyiga Kuuriya: Wasiir La Toogtay Kadib Markii uu Hurday Madaxweynaha oo Khudbeynaya

Wasiirka Gaashaadhigga Waqooyiga Kuuriya Hyon Yong Chol ayaa lagu toogtay hubka lidka diyaaradaha, kadib markii uu Wasiirka hurday xilli uu khudbeenayey hogaamiyaha dalkaasi Kim taasi oo ka dhigan Ixtiraam darro iyo Caasinimo

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Koofurta Kuuriya Kim ayaa Wasiirka Gaashaadhigga ku toogtay goob ayey isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta dalka iyo dadweynaha ayaa dhacday 30-kii bishii April 2015.

Kim ayaa dad badan laayey dalkaasi, sanadkan kaliya waxaa uu dilay 15 hogaamiye, Kim waxaa uu dilay inta badan dadkii uu ka shakiyay tan iyo markii aabihii uu geeriyooday sanadkii 2011, xiligaas uu qabsaday talada dalka.

2013 Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya waxaa uu dilay adeerkiis Jang Song Thaek, kadib markii uu ku eedeeyay Musuq, adeerkiis waxaa uu ahaa nin aad u awood badan dalkaasi.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW