U bood dhigaalka

Waqtiga Ay Dhacayso Doorashada Kenya Oo La Shaaciyey

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC  ayaa shaaciyey waqtiga la qaban doono doorashada dalkaasi, kadib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ku dhowaaqday in doorashada ku celis tahay.

Guddiga ayaa sheegay in doorashda ay dhici doonto bisha October ee soo socota, iyadoo durba xisbiyada ay dib u bilaabeen ololahooda.

IEBC ayaa sheegay in kaliya doorashadan ay ku tartami karaan Ra’ila Odinga iyo sidoo kale Uhuru Kenyatta maadaam dacwadda maxkamadda iyaga lagu saleeyay.

In dib loogu celiyo doorashada Kenya, waxaa soo dhoweeyay qaar badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan dalkaasi.