U bood dhigaalka

WAR-BIXIN:- laamiyadda Muqdisho Hadii ay dhiseen Ajaaniib, nadiifintooda ma iyaga ayaan ka sugnaa? (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DSC_0072Dalkastaa oo ku yaala dunidaan waxaa hor mariyada dadkiisa oo kaashanaya dowladiisa, waxaana markaasi soo baxa dalka bilicda uu leeyahay.

Muqdisho waa caasimadda dalka, waxaana jiray dhawaan wadooyin ay dhistay dowladda Turkiga, kuwaa oo si habeysan loo sameeyay, hase ahaatee wax badan ayaa isbedalay markii Laamiyada la sameeyay, waana nadaafad xumo aad u badan.

Laamiyadii waxaa buuxiyay qashin, waxaana sidoo kale yaala biyo badan, iyadoo isweydiin mudan, hadii Ajnabigii uu laamiyada inoo dhisay, maxay muwaadiniinta iyagu u wasaqeeyaan?

Meelihii ugu muhiimsanaa ee xarumaha dowlada ayaa ka mid ah meelaha lagu arko qashin kaa oo wac u dhimaya bilicda caasimadda

Dowlada hoose oo dowrkeeda ahayd hagaajin iyo soo noolenta bilicda caasimada ayaa u muuqata in howshii loo igmaday ay kasoo bixi weyday

Halkii ay aheyd in dhismaha wadooyinka Muqdisho ay ka qeyb qaataan Muwaadiniita dalka si iskaa wax u qabso ah, ayeey taa badalkeeda keeneen in ay qashinka dhigaan Laamiyadii Ajaaniibta ay hagaajisay.

Sheekooyinka lala yaabo ayaa ah, in hadii Turkiga ay laamiyadda dhiseen, in hadana Soomaalida ay sugayaan in nadaafadda laamiyadaasi ay qabtaan isla Turkiga.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin uu arintaan ka diyaariyay Wariyaheena Ibraahim Xaaji.

Goobjoog News