U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : 4 Qof oo Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtey Kolonyo AMISOM

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay meel u dhow garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle Cusmaan, qaraxa ayaa waxaa lala eegtey kolonyo ciidamo AMISOM kuwaasi oo marayay meel garoonka u dhow.

Nin naftiisa soo miidaamiyey oo ku kaxeeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa dhex galay kolonyada baabuurta AMISOM kadibna halkaasi isku qarxiyey, waxaana lagu soo waramayaa in illaa 4 qof ay ku dhimatay qaraxa.

Lama oga kuwa ay yihiin afarta qof ee dhimatay, waxaase jirey rasaas xooggan oo ka dhacday meesha.

Xalay ayaa shir ay yeesheen gudiga amniga qaranka iyo saraakiisha ciidamada nabad illaalinta Afrika waxa ay kasoo saareen war saxaafadeed lagu sheegey in ay is hortaageen qaraxyadii Alshabaab ay ka geysan jirtey magaalada Muqdisho, waxana loo maleynayaa in qaraxani uu hadalkaasi jawaab u yahay.

Wixii Faahfaahin dib ayaan kasoo tabin doonaa

Goobjoog News