U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ahlu-sunna Oo Hawada Ka Saartay Idaacado Ka Howlgala Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Ahlu-sunna ee gobalkaasi ay albaabada isugu dhufteen Seddax Idaacad oo ku yaallay gobalkaasi.

Idaacadahaan oo ku kala yaallay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa waxaa ka mid ah Star Fm, Codka Bartamaha iyo Radio Galgaduud.

Cabdifitaax Xasan Faarax oo ah agaasimaha Radio Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News in marka hore loo yeeray maamullada Idaacadahaasi, laguna amray in hawada ay ka saaraan idaacadahooda, balse ay dalbadeen hadii ay hawada ka saarayaan Idaacadahooda in loo keeno warqad ka socota maamulka.

Ahlu-sunna ayaa diiday in warqado cadeyn xiris Idaacadaha ah siiso mas’uuliyiintaasi, waxaana si awood ah Idaacadahaan hawada uga saaray ciidanka Ahlu-sunna.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News