U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Askar Ka Tirsan Puntland Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Gobalka Nugaal

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Nugaal ayaa sheegaya in goor dhaw shil gaari uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobalka Nugaal, kuna dhaw xadka gobalkaasi uu la wadaago Sool, kaasi oo sababay dhimashada askar ka tirsan Puntland.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay 7 ka mid ah ciidamada Puntland, iyadoo dhaawac uu soo gaaray askar kale, walow aan lahayn tirada askarta dhaawacantay inta ay la egtahay.

Ciidamadaan ayaa saarnaa gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaano Cabdi-bile, waxaana ay ka yimaadeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobalka Sool, hase ahaatee marka uu soo galay dhanka gobalka Nugaal ayaa la sheegay in uu si lama filaan ah ku rogmaday.

Sababta ka dambeysay rogmashada gaarigaan weli lama shaacin, hase ahaatee askartii dhaawaca uu soo gaaray ayaa lasoo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Garoowe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News