U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Askar Ka Wada Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ku Dagaallamay Cadaado

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askartaan dagaallantay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo dagaalkoodana uu ku billowday sida la sheegay markii ay isku qabsadeen raashiin.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi oo socday ku dhawaad saacad ku dhaawacantay 3 askari, waxaana mararka qaar la maqlayey iyaga oo isku adeegsanaya rasaasta culus sida qoriga dhashiigaha loo yaqaano.

Ciidamada nabad sugidda dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Cadaado ayaa la xaqiijiyay in ay kala dhexgaleen ciidankii dagaallamay, haatanna ay xabaddu qabowday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News