U bood dhigaalka

War Deg Deg Ah : Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo La Dhaarinayo Bari

Sheeko:Dalka

War hadda naga soo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ay shaacisey jadwalka inta ka dhiman shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee halkaasi ka socda.

Sida ka muuqata nuqul ka mid ah jadwalka shirka oo Goobjoog ay heshey waxaa barito oo isniin ah la dhaarinayaa xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Galmudug kaasi oo 60 ka mid ah lagu dhawaaqay habeenimadii sabtida.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamadda, Maamulka Xumin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibadda beesha caalamka sida hufan ee ay uga qeyb qaateen dhismaha maamulka gobolladda Mudug & Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka ayaa tilmaamay in muddo labo Todobaad gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Gudoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, Wasiir Odowaa ayaa sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dibna la gudageli doono doorashooyinka.

Jadwalka Dhameystirka shirka Galmudug