U bood dhigaalka

War Degdeg Ah : Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo Furmay Iyo Mooshinkii oo La Gudagalay

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda furmey kulankii baarlamaanka , waxaana xildhibaanada loo qeybiyey waraaqaha xildhibaanada saxiixey mooshinka, iyada oo la guda galay ka doodista Mooshinka codka  kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Sida uu sheegey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaa mooshinka saxiixey 138 xildhibaan, waxaana xildhibaanada loo qeybiyey magacyada xildhibaanada saxiixey.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha sheegey in ay kulanka fadhiyaan 191 xildhibaan.

Waxaa hadda masraxa taagan oo mooshinka akhrinaya Xildhibaan Col. Axmed Mayoow Ruush oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka keeney.

Warqad uu baarlamaanka ka hor akhriyey guddoomiyaha baarlamaanka oo ka timid Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh ayaa qeexeysa in Ra’isulwasaaraha uu ka cudur daartay in uu hor yimaado baarlamaanka si uu isu difaaco.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa horey oga codsaday Ra’isulwasaaraha in uu baarlamaanka hor yimaado.

Goobjoog News