U bood dhigaalka

War deg deg ah: Barxadda Hooyooyinka oo qarax ka dhacay iyo khasaare goobta ka dhashay

Sheeko:Dalka

Qaraxa ayaa lagusoo waramayaa in goor-dhow ka dhacay Barxadda Hooyooyinka, xaafadda Xamar-weyne ee magaalada Muqdishu.

Qof Goobjooge ah ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in dad badan ku waxyeeloobeen goobta qaraxu ka dhacay , “gawaarida Ambalaasta ee dhaawaca lagu daad-gureeyo ayaa  goobta timid” ayuu intaa raaciyay.

Goobjoogaha oo Shock-sanaa ayaa idaacadda u sheegay in qaraxan uu ka dhacay goob horay qaraxyo kan la mid ah uga dhaceen, dhaawac iyo dad dhintay ayaa ii muuqda ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maanta duhurkii ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya lagu dilay Afarta Darjiino ee xaafadda.

Qaraxyadan iyo dilalka qorsheysan ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Caasimadda ee Muqdishu

Wixii warar ah oo ku saabsan qaraxna kala soco shabakadda Goobjoog.