U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Buugii xaadirinta Xildhibaanada baarlamaanka oo la jeexjeexay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la jeex jeexay buugii xaadirinta ee baarlamaanka Soomaaliya, xilli maanta ay kulan leeyihiin xildhibaanada.

Barlamaanka Soomaaliya oo hadda ay joogaan ku dhawaad 100 mudane, lana sugaayo in uu soo dhameystirmo kooramka Baarlamaanka uu ku furmi lahaa, ayaa la sheegay in xildhibaano ay jar jareen Buugii imaanshiyaha shaqo ee xildhibaanada laga xaadirin lahaa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya weli ma aanu imaan xarunta golaha shacabka, waxaase halkaasi kusii qul qulaaya xildhibaano badan, iyadoo ajandaha maanta ugu weyn yahay qeybinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kulankii hore ee baarlamaanka ayaa fowdadiisa waxay ka bilaabatay Buugii Xaadirinta oo Laba jeer la jar jaray, iyadoo kulankaasi ku dhamaaday fowdo iyo sawaxan xoogan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News