WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Al-shabaab Oo Faarujiyay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmadaasi oo muddo badan maamulayeen.

Qof ku sugan degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u sheegay in ay ka war heleen ciidamada Al-shabaab oo gaadiidkooda iyo agab kale kala baxaya degmadaasi.

Degmada waa mid haawanaysa, waxaana duleedkeeda ku sugan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Shacab tiro yar ayaa degmada ku haray, kuwaasi oo sugaya waxa xigi doona ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Baardheere.

Al-shabaab ayaa degmada Baardheere maamulaysay in ka badan 5 sano, hase ahaatee Labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa degmadaasi guluf dagaal ku qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW