U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ciidamada AMISOM Oo Dib Ula Wareegay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan in ciidamada AMISOM ay dib ula wareegeen magaaladaasi oo shalay ay faarujiyeen.

Ciidamadaan oo ay la socdaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw waxaa u suurta gashay inay galaan Marka, la maqlayo rasaas goos goos ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Marka islamarkaana codsaday in magaciisa aan la baahin ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay hadda ku sugan yihiin xaafadaha magaaladaasi.

Waxaa aad u yar dhaq dhaqaayada gacansi iyo midka isku socod ee magaalada Marka, iyadoo ciidankii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Marka ay halkaasi isaga baxeen.

Jimcadii shalay ahayd ayeey ciidanka AMISOM waxay ka guureen dhammaan fariisimahii ay ku lahaayeen magaalada Marka iyadoo durbo magaaladaasi ay la wareegeen Al-shabaab oo maamulayay in ka badan 12 saacadood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News