U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Kenya Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Kenya ayaa lagu soo waramayaa in Qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeysay deegaanada Dhamas iyo Lakori oo ka tirsan gobalka Gedo.

Gaadiid ay la socdeen ciidamadaan ayaa Miinadaan lala eegtay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, inkastoo tirada ciidanka dhintay iyo kuwa dhaawacmay weli aan la helin.

Dad ka dhaw halka qaraxaan uu ka dhacay ayaa Goobjoog News u sheegay in goobta weerarkaan ka dhacay ay soo gaareen Laba diyaarad oo Helicopter ah, kuwaasi oo daabulaya dhaawaca askarta ciidanka Kenya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News