U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Ciidamada Somaliland oo xabsiga dhigay Laba xildhibaan iyo Afar Wariye

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa goor dhaw waxay xabsiga u taxaabeen Laba ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi iyo Afar Suxufi oo Hargeysa ka howlgasha.

Xildhibaanadaan ayaa taageersan xisbiga Wadani, waxaana ay kasoo horjeedeen mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland.

Waxa ay doonayeen in saxaafadda ay la hadlaan si ay u muujiyaan dareenka ay ka qabaan mooshinka, hase ahaatee ciidamada oo halkaasi yimid ayaa xabsiga dhigay mudanayaashaan iyo wariyaasha.

Magacayda xildhibaanadaan la xiray ayaa kala ah, Saciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Buubaa, halka wariyaashana lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Fantaastik, Cabdiraxiin Mowliid, Maxamed Yuusug iyo Cabdiraxmaan Tariik.

Waxaa maanta dib u dhacay mooshin la doonayay in laga keeno gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, waxaana taasi ay keentay in deg deg ay kusoo dhex galaan Odayasha guurtida oo arintaasi baajiyay.

Warkaan oo faah faahsan la soco goor dhaw.