U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Qarax Lagula Eegtay Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kolonyo gaadiid ah la socday.

Qaraxan oo loo maleynayo in dhulka lagu aasay ayaa la sheegay inuu ku qarxay gaari xamuul ah oo ciidamada ay sahay ku wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 7 askari.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in halka qaraxa uu ka dhacay ay aad ugu dhaweyd xero ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Baardheere.

Ciidanka ayaa rasaas kor u riday, waxaana la xiray dhammaan wadooyinka ku dhaw halka qaraxa uu ka dhacay deegmada Bardheere.

Laba ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la xaqiijiyay in xaaladooda ay halis tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News