U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Codeynta Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo bilaabatay

Sheeko:Dalka

Waxaa bilaabatay codeynta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo qaabka codeynta ay tahay mid gacan taag ah.

Dhowr Saf ayaa loo kala qaaday, waxaana haatan lasoo gaba gabeeyay safka Koowaad oo ay fadhiyeen xildhibaano gaaraya 33 Mudane, waxaana natiijada Safka Koowaad ay noqotay sidaan hoose.

20 Xildhibaan wey aqbaleen

12 Xildhibaan waa ay diideen

1 Xildhibaan ma aanu codeyn, laakiinse aamusnaan ayaa loo tiriyay.

La soco wixii soo kordha