U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dab Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Degmada Wanlaweyn Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka kacay dab aad u xooggan kaas oo sababay khasaare hantiyadeed.

Qof ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa u sheegay Goobjoog News in dabkani uu ka kacay guri ku yaalla meel ku dhaw suuqa, waxaana sabab u ahaa koronto.

Dabka waxa uu ku fiday xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla, iyadoo weli aanay jirin gurmad xoog badan oo dabkani lagu daminayo.

Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn oo aynu la hadalnay isna waxa uu sheegay in dabaylo ka jira degmada ay sababayaan in dabku uu sii faafo, lagana cabsanayo in meello kale uu gaaro.

Dadaalka ugu weyn ee hadda la wado ayuu ku sheegay gudoomiyaha inay tahay oo kaliya in la kala jaro dhismayaasha dabka uu gaaray iyo kuwa kale ee weli bad qaba si khasaaraha aanu usii badan.

Shacab aad u badan ayaa ku dadaalaya sidii ay ku damin lahaayeen dabkaasi wallow aanay jirin booyado ama dabdamisyo dadkaasi caawinaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News