U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dad Ku Dhintay God Carrada Laga Qodo Oo Kusoo Dumay, Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Seddax qof ay ku geeriyootay god laga qodo Carrada oo ku taal deegaanka Laba Dhagax ee duleedka degmada Afgooye.

Dadkaan geeriyooday ayaa la sheegay in hoos ay ugu jireen godkaan oo carrada Dhoobeyda ah laga qodayay, hase ahaatee Lama filaan uu ugu dumay.

Shacab badan oo halkaasi ku sugnaa ayaa billaabay in ay ciidda qaadaan si dadka looga soo bixiyo, waxaana illaa iyo haatan lasoo bixiyay Meydadka Seddax qof.

Waxaa socota baadigoobka dad kale oo loo maleynayo in meesha ay ku jiraan, iyadoo dadka ay ku howlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa in dad kale ay meesha ku jiraan iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News