U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal Beeleed Ka Bilawday Deegaanka Deefowe Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWararka naga soo gaaraya deegaana Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya beelo halkaasi wada dega.

Mar qura ayaa deegaankaasi waxaa laga maqlay dhawaqa rasaas aad u xoogan oo ay isku adeegsanayaan Maleeshiyo Beeleed halkaasi ku wada sugnaa, iyadoo ilaa iyo xilligaan wax qasaare ah aan lasoo sheegin.

Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Hiiraan Cabdirisaaq Al-cadaala ayaa soo sheegaya in ilaa iyo hadda aysan muuqan waan waan lagu doonayo in dhinacyadaan dagaalamaya lagu xaliyo.

Maamulka Gobalka Hiiraan weli kama aysan hadlin dagaalkaan, iyadoo weli dagaalka xoogiisa uu yahay mid socda, waana dagaal salka ku haya aano qabiil kasoo bilawday dhul beereed halkaasi ku yaala.

Deegaanka Deefoow ayaa qiyaas ahaan 35-Km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne, waxaana deegaankaasi horay uga dhacay dagaalo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News