U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal Beeleed Ka Billowday Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa goor dhaw waxa uu ka billowday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Dagaalkaan ayaa si lama filaan ah halkaasi uga billowday waxaana dhinacyada dagaallamaya isku adeegsanayaan hub culus.

Weli lama soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalkan ka dhashay maadaama rasaas xooggan ay socoto.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Hiiraan Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya in guud ahaan magaalada Baladweyne laga maqlayo rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyadan dagaallamay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News