U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Socda Magaalada Marka Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo dagaal beeleed, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaan ayaa ka soconaya duleedka magaalada Marka, gaar ahaan xaafadda lagu magacaabao Waan Cuneynaa, iyadoo rasaas xoogan la’isku adeegsanayo.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay 3 qof oo dhinacyada dagaallamaya ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa inoo sheegay in dagaalkaan uu ku bilawday ka dib markii mid ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ay dhinaca kale qof ka leen.

Xaaladda guud ee magaalada Marka ayaa aad u kacsan, waxaana guud ahaan xiran goobahada ganacsiga ee magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News