U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ka Socda Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Mareerey, gaar ahaan deegaanada lagu kala magacaabo Sabii iyo Caanoole.

Gudoomiyaha degmada Mareerey Siid Baalle Mayow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaan uu yahay mid u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamada Al-shabaab ayaa gabal dhacii shalay la wareegay meello ka mid ah deegaanada lagu dagaallamayo, hase ahaatee ciidamada xoogga dalka ayaa ku rogaal celiyay saaka, iyaga oo la wareegay dhammaan meelihii ay Al-shabaab haysteen, balse Aal-shabaab ayaa goor dhaw halkaasi dulaan kusoo qaaday.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaasi, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo Labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News