U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab uu ka billowday deegaanka Dabakaraale oo qiyaastii 18-km dhanka bari kaga beegan deegaanka Garacad ee Mudug.

Weerarka dagaalkan waxaa lahaa ciidamada Puntland, waxaana deegaanka lagu dagaallamayo la sheegayaa inuu mid aan buuro lahayn, iyadoo khasaaraha inta uu la egyahay la ogeyn.

Goobjooge ku sugan deegaankan lagu dagaallamayo ayaa u sheegay Goobjoog News in halka rasaastu ay haatan ka socoto ay ku sugan yihiin dad shacab ah, lama oga khasaaraha soo gaaray dadkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco warkeena kale

Goobjoog News