U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u Dhaxeeya Ciidamo Kala Taabacsan Ahlu-sunna Iyo Galmudug Oo Ka Billawday Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka billawday dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Qof ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladaan ay yihiin kuwo xoogan, iyadoo sababta uu ku billawday daba socdo sida la sheegay weerarkii shalay lagu qaaday wasiir ka tirsan Galmudug oo degmadaasi ku sugan.

Khasaaraha dagaalkaan ka dhashay lama oga, maadaama weli uu socdo, sidoo kale waxaan inoo suurta gelin inaan helno mas’uuliyiinta Labada dhinac.

Guud ahaan adeegii Korontada ee degmada ayaa la sheegay in la jaray, waxaana xaaladda ay tahay mid kacsan.

Degmada Caabudwaaq waxaa maalintii shalay ahayd gaaray wasiiro iyo ciidamo ay wateen, waxaana saaka hore ay wada hadal kula jireen Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News