U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u Dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed Oo Ka Socda Duleedka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi gaar ahaan deegaanka dhanka galbeed qiyaastii kaga beegan 25-km uu ka soconaya dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed, kaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaan oo weli aan la ogeyn sababta uu ku billowday ayaa wararku waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen Labo ruux iyadoo 5 kalena ay dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaan ayaa lasoo gaarsiiyey isbitaalka magaaladaasi.

Waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xilli magaalada Baladweyne uu ka soconayo shir la sheegay in lagu heshiisiinayo beellaha deggan gobolka Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News