U bood dhigaalka

War Deg deg ah: Aabo iyo wiilkiisa oo lagu dilay Muqdishu

Sheeko:Dalka

Warar hadda nagasoo gaaray Xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeyley ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Macalin Dahir Dheere oo ka tirsanaa ciidamada asluubta Soomaaliyeed iyo wiilkiisa.

Dablaydan dilka geysatay oo aan heybtooda la garaneyn ayaa isla markiiba goobta ka baxsatay, la ma sheegin sababta dilka iyo cidda ka dambeysa.

Dilalka gaadmada iyo kuwa qorsheysan ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdishu.