U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dhaqaatiir u afduubnaa Al-shabaab oo dib u helay xuriyadooda

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay dib u heleen xurriyadooda Sedax dhaqtar oo shalay ay Afduubteen Xarakada Al-shabaab.

Dhaqaatiirtaan ayaa laga qabsaday deegaanka Cari Case ee gobalka Gedo, xilli ay dib uga soo laabteen magaalada Mandhere oo ay siminaar uga soo qeyb galeen.

Odayaal dhaqameed ayaa la sheegay in ay wada hadal la galeen Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in maanta ay dib u heleen xurriyadooda, iyaga oo ku sugan magaalada Garbahareey ee gobalka Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.