U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dibadbax Ka Billowday Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday dibadbax ballaaran oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo lagu muujinayo sida looga xunyahay isku daygii Afgambi ee ay ku fashilmeen qaar ka mid ah Milatariga dalka Turkiga.

Shacab badan oo ka kala yimid 17-ka degmao ee gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalaya dibadbaxan.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, madaxda degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya dibadbaxan.

Wariyaasheena ku sugan halka dibadbaxa uu ka soconayo ayaa soo sheegaya in shacabka ay wataan boorar ay ku qoran yihiin sida ay uga xunyihiin isku daygaasi.

Ciidamo Turki ah ayaa ku fashilmay afgambi Milatari oo ay ku doonayeen in dalkaasi ay kula wareegaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News