U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Dibadbax xoogan oo ka bilawday magaalada Baydhaba ee gobalka Bay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in dibadbax xoogan uu ka bilawday halkaasi, kaa oo ay dhigayaan shacab kasoo horjeeda in magaaladaasi lagu qabto doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.

Wariyaha Goobjoog Fm ee ku sugan magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in shacabkaan ay ku hadaaqayaan erayo ay ku diidanyihiin doorashadaan, waxaana dadka ay soo buux dhaafiyeen halka lagu qaban lahaa doorashada.

Xaaladda guud ee magaalada Baudhaba waa mid aad u kacsan, waxaana dadkaan ay sheegayaan in marnaba magaalada aan lagu qaban Karin doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Saacadaha soo aadan ayaa la filaayaa in magaalada Baydhaba lagu qabto doorashada maamulka ka kooban Sedaxda gobal ee Koonfur Galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News.