U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaarad Ku Dhacday Duleedka Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarad kuwa qaada xamuulka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Maxamed Shiino oo ah afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in diyaaradaasi ay dhacday, waxaana uu sheegay in isaga uu dul tagay diyaaradda dhinacna ay ka gubatay.

Afhayeenka ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday deegaanka Cumar Beere, oo qiyaastii 6-KM u jira degmada Afgooye.

“Diyaaradaan wey dhacday aniga ayaa arkay oo dul tagay, waxay ku dhacday duleedka Afgooye, deegaanka lagu magacaabo Cumar Beere, waa diyaarad weyn oo nooca xamuulka ah, roob xoogan ayaa hadda socda, Khasaaraha iyo wixii ay geystay goor dhaw ayaan saxaafadda u faah faahin donnaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Weli si rasmi ah looma hayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay diyaaradaan, waxa ay waday, dalka laga leeyaha, halka ay ka timid iyo cidda ay u socotay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News