U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaarad Sida Dad Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Soo Gaartay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goordhaw soo caga dhigatay diyaarad waday Muwaadiniin Soomaaliyeed iyo Qaxooti Yemen u dhashay, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in dadkaan ay tiradooda ku dhawdahay 50 qof, oo Soomaali iyo Yemen isugu jira, waxaana abaare Seddaxda galabnimo ee maanta la sugayaa in ay soo caga dhigato diyaarad kale oo sida muwaadiniin Soomaaliyeed.

Gurmad xoogan ayaa ka socda garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka oo ay ka muuqato xaalad adag lala gaaray gurmad biyo iyo wax ay cunaan, waxaana sidoo kale halkaasi la geeyay gaadiidka gurmadka degdega ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News