U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaarado Dagaal Oo Dadka Cabsi Geliyay Oo Lagu Arkayo Gobalada Baay Iyo Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalada Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saaka lagu arkayo diyaarado dagaal oo qalqal ku beeray dadka shacabka ah.

Diyaaradahaan oo joog hoose ku socda ayaa warar kala duwan waxay kasoo baxayaan waxa ay yihiin, waana kuwa u kaca Qumaatiga ee loo yaqaan Helicopter.

Diyaaradahaan ayaa dul wareegaya deegaanno ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo deegaanno kale, waxaana qof ku sugan gobalka Baay uu inoo sheegay in ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM.

Lama oga uljeedada diyaaradahaan ay saaka u dul wareegayaan gobaladaasi, waxaana dadka cabsida haysa ay tahay in duqeyn ay dhacdo sidii dhowr jeer oo hore u dhacday oo kale.

Goobjoog News