U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Doodii Mooshinka oo soo gaba gabowday iyo xildhibaanada oo u diyaarsan u codeynta mooshinka

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw soo gaba gabowday doodii mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo haatan la wado diyaar garowga xildhibaanada ee ku aadan u codeynta mooshinkaan.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado dhaarinta xubnaha loogu tala galay in ay codka soo tiriyaan, iyadoo codeynta ay noqon doonto mid gacan taag ah.

Waxaa xusid mudan in xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ay ku sugan yihiin xildhibaano gaaraya 211, waxaana daqiiqadaha soo aadan la filayaa in ay bilaabato codeynta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News