U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Doon Ay Saaran Yihiin In Ka Badan 2-kun Soomaali Kasoo Carartay Yemen Oo Soo Gaartay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaartay Doon ay saaranyihiin in ka badan 2-kun oo ruux kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Sheekh Yuusuf Axmed Daad oo ah gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga kasoo cararaya Yemen ee deegaanada Puntland ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in doonidaan ay saaran yihiin dad ka badan 2-kun.

Dadkaan ayaa ah Soomaali muddo badan ku dhibanaa dalkaasi, waxaana wararka ay tilmaamayaan in weli dejinta dadkaan aysan bilaaban.

Guddigaan gurmadka ah, mas’uuliyiinta gobalka Bari, shacab hay’ado caafimaad ayaa ku sugan dekadda Boosaaso, waxaana la doonayaa in dadkaasi gurmad loo sameeyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News