U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Iyo Ku xigeenadiisa Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay toos uga bilaabatay doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Doorashada ayaa u dhici doonta qaab cod qarsoodi ah waxaana ay ka socotaa madaxtooyada Ximan Iyo Xeeb, hase ahaatee waxaa hadda bilawday qudbahada ay jeedinayaan musharraxiinta u taagan xilalka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Musharraxiinta waxa ay u sharaxayaan xildhibaanada Galmudug wax qabadkooda hadii ay helaan xilalka ay u tartamayaan.

Marka ay khudabadahaan dhamaadaan waxaa toos u bilaaban doona qeybta codeynta, iyadoo maanta la filayo in guud ahaan lasoo gaba gabeeyo doorashadaan, maantana Baarlamaanka Galmudug uu yeesho Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News