U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ergada Ku Shirsan Cadaado Oo Ansixiyay Dastuurka Uu Yeelanayo Maamulka Loo Sameynayo Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in ergada ku shirsan degmadaasi ay goor dhaw ansixiyeen Dastuurka uu yeelanayo maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Ergada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay Datuurkaasi, waxaana kulanka maanta soo xaadiray 351 ergo, waxaa dastuurka u codeeyay in uu meel maro 310 ergo, waxaa diiday 12 xubnood, halka 29 ay ka aamustay.

Qodobada Dastuurka ugu muhiimsan ee maanta la meel mariyay waxaa ku jira magaca maamulkaasi uu yeelanayo, waxaana uu noqonayaa Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News