U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Fanaanadda Umu Shariif Oo Muqdisho Ku Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in Isbitaalka Banaadir ee magaalada Mudisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee Umu Shariif oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed.

Shamso Shumeey ay wada shaqeynayeen Fanaanadda ayaa goor dhaw inoo xaqiijiyay geerida Marxuumadda.

Waxay sheegtay In ay Isbitaalka ku xanuunsaneyd, islamarkaana saaka ay geeriyootay.

Umu Shariif ayaa qaadday heeso badan oo ay ka mid yihiin kuwo wadani ah, waxaana ay ka mid ahayd fananiinta dhalinyarada ah ee shacabka aad u jeclaayeen.

Heesihii ugu dambeeyay ee Umu shariif waxaa ka mid ahaa heesta Hooyo dad badani soo jiidatay.