U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Gaari ay leedahay Shirkadda Enes ee laga leeyahay Turkiga oo lagu weeraray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari nooca aan rasaastu karin oo ay leedahay shirkadda Enes ee qaabilsan dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, ayaa goordhaw lagu weeraray wadada hormarta Isbitaalka Banaadir.

Dabley hubaysan oo la socday gaari nooca Kaaribta ah, ayaa isku hor goysey gaariga ay leedahay shirkadda Enes, ka dibna waxa ay ku fureen rasaas badan, sida ilo wareed lagu kalsoon yahay ay inoo xaqiijiyeen.

Darawalkii gaarigaasi waday ayaa halkaasi ku dhaawacmay, waxaana rasaasta sidoo kale waxyeelo ay soo gaarsiisay gaariga, iyadoo weerarkaasi ay ka badbaadeen saraakiil u shaqeynaysay shirkadda Enes oo gaariga la socotey.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo shirkadda leh gaarigaan ee Enes, weli wax faah faahin ah kama aanay bixin weerarkaan, waxaana dhanka kale lasoo sheegayaa in xaaladda halka falkaan uu ka dhacay ay caadi kusoo laabatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.