U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Gabdho arday ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan Bistoolado ay dileen Laba gabar oo ka mid ah Ardayda dhiganaysay mid ka mid ah Jaamacaha ku yaala Magaalada Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Mac-macaanka ee degmadaasi, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Gabdhahaan la dilay sidoo kale ay ka u shaqeynayeen mid ka mid ah Hay’adaha magaalada Muqdisho ka shaqeeya, balse lama carabaabin.

Maamulka degmada Dharkiinleey waxa uu sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan dadkii falkaan ka dambeeyay, waxaana goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News